Dhex-dhexaadintii Soomaaliya (Q2-aad)

….Shakiga laga qabay ku lug lahaansha dowlada Britain ee weerarradaas is daba jooga ah ayaa kulan deg deg ah oo ay yeesheen golaha difaaca ee Dalka Uganda waxa lagu go’aansaday in Madaxweyne Idi Amin Dada uu si deg deg ah uga sifeeyo ajaaniibta Eeshiyaanka iyo Yurubiyanka ah ee ku jira ciidamada Amniga ee Dalka Uganda maadaama sida ay sheegeen aan lagu kalsoonaan karin dhaq-dhaqaaqyadooda Dhaqaale, Bulsho iyo Siyaasadeed.

Warsidaha la yiraahdo “The Times” ee kasoo baxa magaalada London ayaa maalintii labaad waxa uu daabacay in “ Sagaal muwaaddiniin British-ka  ah iyo sagaal kale oo weriyeyaal ah ay soo qab-qabteen ciidamada boolisku, dadkaas la xirxiray waxa kamid ahaa sida ay jariiradaasi daabacday carruur iyo Haween aan waxba galabsan.

Warbixinta Keesing’s waxay intaas ku daraysaa kadib markii ay kulan ballaaran isugu yimaadeen siyaasiyiinta dowladaha ku bahoobay Ururka Midawgii Africa (OAU) si loola socodsiiyo xaaladaha amnni iyo xasaradaha kasoo cusboonaaday gobolka Madaxweyne Idi Amin Dada oo kulankaasi ka hadlay waxa uu yiri sidan:- “Uganda waxa soo weeraray 1, 500 oo nin oo ay kamid yihiin askarta Tanzania, taageerayaasha madaxweynihii hore ee Uganda Milton Obote iyo xoogag hubaysan oo ay leedahay Dowladda Israel sida uu hadalka u dhigay”.

Madaxweyne Idi Amin oo hadalkiisa sii watay waxa uu yiri:- “Captain Oyile isagu waxa uu qirtay in ay jireen xeryo ciidanka falaagadu ay ku lahaayeen Bukoba iyo Tabora oo labaduba ku yaal gudaha dalka Tanzania xeryahaas oo lagu tababaray inta u dhexaysa 1,000 ilaa 1,500 oo askari”.

General: Iddi Amin Dada
Jeneraal: Iddi Amin Dada [Madaxweynihii Hore ee Dalka Uganda]
Marka laga yimaado in Uganda ay dib ula wareegtay magaalooyinkii laga qabsaday; dhinaca kale ciidamada cirka ee dalkaasi waxay duqaymo joogto ah ku hayeen Magaalada Bukoba ee dalka Tanzania, taasoo keentay in Xukuumada Daarasalaam Fadhidaa ay magaalada Tabora kasoo dhaqaajiso guutadeeda 4-aad (4th battalion) oo kamid ah ciidamadeeda milateriga, kuwaasoo ay caawinayeen madaafiic lagasoo ridayay saldhigyada Musoma oo kusoo dhacayay Xadduudda dalka Uganda si looga hortago ciidamada dalkaasi Uganda ee kasoo gudbayay xadduudda Uganda.

Markii ay ciidamada cirka dalkaasi Uganda duqaymaha ku wadeen magaalada Bukoba, Madaxweynaha Dalka Tanzania Juliyas Nareeri (Julius Nyerere) waxa uu markiiba Telegram kula xiriiray Boqor Xasan-ka Dalka Maqrib (Moroco), kadibna waxa kaloo uu u diray Guddoomiyihii Ururka Midawga Afrika ee xiligaas taasoo uu kaga ashtakoonaayay Weerarada dhinaca cirka ah ee ay bilawday xukuumada Kampala.

c41fbad51ee9905b8ac267f3d2aa4538_1m
Dhexda Juliyas Nareere Madaxweynihii hore ee Tanzania.

Marka la eego warbixin uu daabacay warsidaha “Daily Telegraph” ee dalkaasi Ingiriiska isla September 17, 1972-kii dowladda Ingiriisku gaar ahaan xubin ka tirsan aqalka sare ee Ingiriiska (House of Lords) Priscilla Tweedsmuir, iyada oo ka jawaabaysa eedaymaha Idi Amin Dada lana hadlaysay aqalka sare ee dalkaasi waxay tiri:- “Eedaymaha sheegaya in Britain ay si qoto dheer ugu lug leedahay waxa ka dhacaya Dalka Uganda waxa soo celcelinayaa waxa weeye’ hadalada is khilaafsan ee aan loo meel dayin ee kasoo yeeraya Wasiirka ammuuraha dibada ee dalkaasi Uganda”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tiri:- “Dowladda Biritish-ku xog rasmi ah kamay haynnin waxa xiligan ka dhacaya koonfurta Galbeed ee dalkaasi Uganda, si walba oo ay ahaatana dowlada ingiriisku aysan marna wax siyaasad ah ku lahayn qorshaha iyo fulinta weeraradaasi”.

Dabayaaqadii isla bishaas 9-aad Dowladda dalka Suudaan waxay gacanta ku dhigtay 5-diyaaradood oo laga lahaa dalkaasi Liibiya kuwaas oo siday Saraakiil iyo saanad ciidan oo ujeedkoodu ahaa in lagu xoojiyo Idi Amin Dada iyo xukuumada Kampala, waxayna dowladda dalkaasi Suudaan si ula kac ah diyaaradahaas shafka u dhigtay gegida diyaaradaha ee magaalada Khartuum Caasimadda Dalka Suudaan.

Madaxweynaha laga marooqsaday talada dalka Uganda Milton Obote ayay dowladda Sudan Saddex bilood kahor xiligaas ugu baaqday in uu isaga baxo dalkeeda oo uu tago dalkaasi Tanzania oo uu horay magangelyo ugu joogay, dhinaca kalena Tripoli waxay hadal jees jees ah usoo dirtay xukuumadda Khartuum oo ay ku wargelinaysay in ay awood u leedahay in ay soo ceshato diyaaradaheeda ka tirsan ciidamada cirka laakiin ay weli ku jiraan safarkoodii dhanka hawada ee ay ku tegi lahaayeen Gegida Entebbe ee dalkaasi Uganda.

Warbixinta Keesing’s waxay kaloo leedahay:- Madaxweynaha Dalkaasi Suudaan Jacfar Nameeri (Ghaafar Nemery) waxa uu sheegay in uu taageersan yahay xaquuqda ay Uganda u leedahay in ay difaacato Madaxbannaanideeda laakiin uu rajaynayo in aan arrintan lagu dhammayn karin xal milateri iyo khilaaf hubaysan oo keliya.

maxresdefault (1)
Jacfar Nameeri (Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan)

Mahadsanidin

By: Kaysediin Yusuf Adan

Xigasho: Henry Lubega

Lasoco Qaybta 3-aad.

Information Link: http://allafrica.com/stories/201612190005.html

Advertisements

Dhex-dhexaadintii Soomaaliya [Q-1aad]

Hordhac

Soomaaliya maanta waa suuragal in loogu yeero ama la siiyo magaca gaarka ah ee dalkii fashilmay (Fragile State),  ama loo isticmaalo eraybixinno (Terminologies)  siyaasadda dunida ku cusub sida:- (Somalization) Dalkaasi waa soomaaliyoobay ama wuxuu hayaa waddadii Soomaaliya oo kale, burbur iyo dowlad xumo ayuu qarka u saaran yahay iwm. laakiin 44-sano ka hor xiligan aynnu joogno haddaan garbaha saacadda taariikheed gadaal u wareejinno  waxaad ogaanaysaa Soomaaliya waxay ahayd, halkii ay hormarka ka gaartay iyo sida gobolka iyo dunida inteeda kaleba looga haybaysan jiray.

Soomaaliya xiligii ay shir guddoonka ka ahayd Ururkii Midawga Afrika (OAU) waxay hormuud aka ahayd ajendeyaal waaweyn oo lagu xoreeyay dalal Afrikaan ah oo weli markaa gumaysi ku hoos jiray kuwa kalena lagu garab istaagay siday uga bixi lahaayeen dowlad ku sheegyadii maqaar saarka ahaa ee saan-caddaaluhu ku adeegan jiray Sida:- Roodishkii Zimbabwe, Botoswana, Mozambique, Namibia, Angola iyo South Afrika.

Dhex-dhexaadintii Soomaaliya

 

Qalinku yaanu ila durkine intaas haddii aan kaga soo noqdo hordhaca iyo kor ka xaadinta taariikhaha qurxoon ee Soomaalida imikana waxan gelaynnaa ujeeddadii qormadan ee ahayd  dhex dhexaadintii  nabadeed ee Soomaaliya ay isku hor taagtay dagaal ka dhex qarxay waddamada Uganda iyo dariskeeda koonfureed ee Tanzania, Xiligaas oo Madaxweynihii Somalia Allaha u naxariistee Maxmamed Siyaad Bare uu si toos ah ugu dhawaaqay in uu diyaar u yahay in uu dhex dhexaadiyo heshiis nabadeed oo gobolka ka dhaca si loo baajiyo dagaal ba’an oo ka dhex qarxay labadaas dal oo laga cabsi qabay in uu noqdo mid daba dheeraada saamaynna ku yeesha Gobolka oo dhan.

hqdefault
Wasiirkii Ammuuraha Dibadda Soomaaliya Cumar Cate Qaalib oo Nairobi u Jooga dhexdhexaadinta

Isla xiligaas Madaxweynihii Dalka Uganda Idi Amin Dada ayaa jawaab kulul ka bixiyay weerarkii ay soo qaadeen xoogaggii daacada u ahaa Madaxweynihii hore ee Uganda Milton Abote, kuwaas oo saldhigyo ku lahaa gudaha dalka Tanzania. Weerarkaas oo noqday mid aan sii waarin kadib markii weeraryahanadaas dib looga riixay dalka Uganda.

19082718_303
Madaxweynihii Hore ee Dalka Uganda Milton Abote

Sannadkii 1972-kii Bishii 9-aad 17-keedii warsidihii Argus ee kasoo baxayay Dalkaasi Uganda ayaa waxa uu daabacay in ugu yaraan 1,000 kamid ah askarta dalka Tanzania ay soo weerareen Dalka Uganda iyaga oo qiyaastii 100 Mile kaabiga usoo jirsaday caasimadda dalkaasi ee Kampala. Ayna qabsadeen magaalooyinka Kyotera, Kakuto, iyo Kalisizo.

Xiisaddii ay dhalisay Jawaabtii xoogga lahayd ee ay bixisay dowladdii Idi Amin Dada ayaa hareeraysay weerarkaasi, waxana dowladda Ingiriiska oo si hoose u taageeraysay weeraryahanadaasi gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo tasiilaadka ay bilawday in ay eedaymo usoo jeediso Xukuumada Kampala ka hor inta aan la xirxirin qaar kamid ah Muwaaddiniinteeda ku suganaa Dalkaasi Uganda.

Marka loo eego warbixinta Keesing’s Caddadkeedii 18-aad ee soo baxay November 1972-kii waxa ay leedahay Kadib inta aanay booliska dalkaasi Uganda xirxirin qaar kamid ah muwaadiniintii British-ka ee dalkaasi ku noolaa, Dowladda Ingiriisku waxay ka codsatay Ururkii Midawga Africa (OAU) iyo Dr. Kurt Waldheim oo ahaa xoghayihii Guud ee qaramada midoobay ee Xiligaasi inay soo farageliyaan wax ay ku tilmaameen gardarada macno darada ah ee ay wado xukuumada Kampala ee uu hoggaamiyo Iddi Amin Dada.

Isla warbixintaasi iyada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay sheegtay in isla maalintaas oo taariikhdu ahayd September 17, 1972-kii Dowladda Tanzania ay hadal qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegatay in ay Uganda ka qabsatay xero milateri oo ku taalay Kisenyi iyo sidoo kale caddad aad u balaaran oo hub iyo saanad ciidan ah.

Si kastaba ha ahaatee, isla qormadaas waxa lagu sheegay in hogaamiyaha Ciidamada qalabka sida ee difaaca dadka Tanzania (TPDF) Sareeye Gaas Mrisho Sarakikya, uu ka gaabsaday in ciidamada Tanzania ay qayb ka ahaayeen hawlgalada weerarkaas, Inkasta oo ay jireen warar la isla dhex marayay gudaha dalka Tanzania oo sheegayay in koox mucaarad ah oo kasoo jeeda dalka Uganda ay la dagaalamayeen ciidamada Dowladda Uganda isla markaana ay la wareegeen saldhigyo ciidamada Uganda ay ku lahaayeen aagga xadduudda laba dal.

V9Qn4JvMpRNqNQig
Jeneraal: Mrisho Sarakikya hoggaamiyihii Ciidamda Tanzania ee (TPDF)

Maalin uun kadib, markii uu weerarkaasi dhacay ciidamada dowladda Uganda waxay qorsheeyeen in ay dib ugala wareegaan magaalooyinkii ay weerar yahanadaasi ka qabsadeen, Isla bishii September 18-keedii 1972-kii, Radio Uganda waxa uu baahiyay dadkii lagu qabqabtay intii uu weerarkaasi socday inay kamid ahaayeen saddex sarkaal oo horay uga tirsanaa ciidamada dalka Uganda iyo laba qof oo rayid ah, saraakiishaas la qabtayna waxa kamid ahaa Wildfred Odong, Picho Ali iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Captain Oyile.

By: Kaysediiin Yusuf Adan

Xigasho: Henry Lubega

Lasoco Qaybaha Qaybta 2-aad

 

link:- http://allafrica.com/stories/201612190005.html.

Gabay Muunad-yeeshay (Qumman)

Gogol-dhig

Gabaygan (Quman) ee uu tiriyay AUN abwaan Axmed Macallin Jaamac 1979kii, waxa laga joogaa muddo haatan  ku dhaw 40-sano , haddana waxadba moodaa maanta in uu ka sheekaynayo, deegaankii uu abwaanku AUN, xiligaas u ishaaray siday noqon doonaan ayay maanta noqdeen sida:- soo noolaynta dhaqanka soomaaliyeed, warshadaha gobol walba laga furay, xaddiidka tareenka ee shinniile, waddooyinka waaweyn ee la falay ama la banneeyay, ceelasha la qoday ee gobol walba biyaha lagu harqiyay, Biya xireenadda la sameeyay ee gobolka goday iyo dhul-beereedka la faagay oo tiro beelay, waxa kaloo abwaanku ishaaray in wax-soosaarka deegaankaas dalal shisheeye loo dhoofin doono, taasina waxbaa laga arkay oo xoolo tira badan oo deegaankaas lagu koriyay ayaa jabuuti caddad ballaaran laga dhoofshaa, sidoo kale warshadda burka soo saarta ee jigjiga ku taal ayaa deegaanada kale ee itoobiya la geeyaa.

Intaas waxa sii dheer sahamada shirkadaha iyo dowladaha shishiiye ay ka wadaan dhammaan deegaanka soomaalida itoobiya waa ay tira beelleen, waxase nasiib wanaag noqotay markii dhawaan deegaankaas laga helay shidaal aad u fara badan oo batrool ah saamigii deegaankana la siiyay 40%.

Sheekaddii Gabayga

Waxa la joogaa sannaddii 1979kii.   Subbax hore kol ay tahay ayaa gawaaridii la diyaarshay iyadoo 150 qof oo ka shaqaynayay Xisbigii ururada bulshada  loo qaybshay gawaaridaas oo laanroofallo u badnaa, waa kaadiriin horay loosoo carbiyay oo lasii diyaarshaye nin waliba waxa uu sitaa boorsadiisii yarayd oo dukumiintiyada iyo foomamkii ay ugu jiraan, waxana loo sheegay shaqada loo wadaa in ay tahay inay tirakoobaan qoxootiga ku xeraysan qoryoolay ee laga keenay deegaanka Soomaalida Itoobiya (Killinka 5aad) iyo NFD.

Kolkii meesha la tagay ayaa shaqaalihii loo qaybiyay Dhawr iyo labaatan guddi oo guddi waliba loo xilsaaray shaqo gaar ah oo ku saabsan buuxinta foomamka iyo tirakoobka Qaxootiga ku xeraysan halka la keenay ee Qoryoolay, abwaanka AUN oo guddiyadaas mid kamid ah madax u ahaa ayaa geed bilcil ah hoostii kursi loo dhigay si uu hawlaha u yaal halkaas uga hago

Makhribkii oo ay qoraxdu sii liicayso iyadoo shaqada badankeedii soo idlaatay oo ay geba gabo marayso oo uu  abwaanku is lahaa mala adiga shaqada cidi kaagama dambayso ayaa waxa uu arkay gabar aan da’weyneyn oo adigu 17 ilaa 19 gu’ baarka ka goysay, gabadhaasoo markeedii hore qurux iyo qaayo ilaahay siiyay u dhalatay laakiin aad u basaasaysan oo arradka ka muuqda, maryaha hilfaysan iyo diifta wejiga kaga taalla aad ka muunsoonayso oo goor makhrib ah lagu soo wado xaggii  guddiga uu abwaanku ka tirsanaa ee tirakoobka samaynayay.

Gabadha afar askari oo guul-wade ah ayaa soo tukhan-tukhaynaaya ‘lasocoo Abwaanku Sidaasuu isha ugu hayaa’ Guul-wadeyaashaas ayaa gabadhii liiliijinaaya oo kolba ul weyn dhabarka kagasoo riixaaya oo horay ayay usoo harbinayaan, AUN Abwaanku markii uu isha ka sugtay gabadha iyo nimanka tacadinaaya ayuu maskaxdiisa ka sawirtay sababta askartani u khasbaayaan ‘Haa waa qof dhaqankii soomaalida ee suubbanaa kusoo kortay oo aan weligeed miyi soo dhaafin, waxay ka sarriiganaysaa in risiq eebbe loo tiriyo waana sababta ay buulkeedaas yar ugu hartay’ haa dabeedna nimankan baa xoog kagasoo saaray buulkeedii’ abwaankii baa ku sheekaysatay.

Sidii loosoo malmalaayay ayaa halkii abwaanku tirakoobka ka waday lasoo taagay isagoo sidaas u eegaaya aadna uga colool xun tacadiga gabadhan iyo siday dhaqankeeda ugu dhegan tahay, ayuu isagoon is ogayn foomkii ka buuxiyay, dabeed markii laga kexeeyay ee la dhaafshay ayuu inta sii eegay isagoo fakaraaya xaashiyii u haray iyo qalinkii uu haystay Gabay ku bilaabay uu gabadhaas kula hadlaayo, dabeed halkaas ayuu gabayga Quman ku tiriyay.

Habaynkii  kolkii lasoo guuray  iyadoo gawaaridii la saaran yahay ee meel dhexe la maraayo Xamarna  lagu soo socday, ayaa ruux dadkii kamid ahaa waxa uu  yiri AUN Axmadow maad noo gabyi.  kolkaasuu abwaanku    Wuxuu yiri i dhegaysta waxaan la hadlayaa gabadhii aan galabta soo arkay, abwaanku markaa gabadha magaceeda maba yaqaan laakiin waxa uu isaga baxshay ‘Qaali’ dabeedna xoogaagii uu galabta isu duwday qayb kamid ah dusha ka meeriyay.  Wuxuuna yiri u markaa gabadhii isagoo la hadlaaya:-

Gabaygii oo dhammaystiran:-

  • Mar unbaad qaxootiga ka bixi, Qaaliyey bariyue
  • Qiso iyo mar unbuu ahaan, qiiq ku soo maraye
  • Mar unbaad dhulkaad qaayibtoo, qowle tagaysaaye
  • Qabri Dahare mar unbaad xarago, qoorta lulaysaaye
  • Dhagaxbuur qabkaagiyo marbaad, qul u hagoognaane
  • Qardadii Shilaabood marbaad, qurux la laafyoone
  • Marbaad qooro doogliyo marmari, qadowgii Doolloode
  • Qabyo kabad ah iyo raar marbaad, maydhaxda u qoyne
  • Qaranriyo marbaad diiraysaa, Qudhac mulaaxdiiye
  • Qawdheere baarliyo marbaad, caws qansaxa goyne
  • Qolqoliyo marbaad dhigi qalwiyo, waxaro qoolkoode
  • Qarrog iyo marbaad culanaysaa, qabayo caanoode
  • Qotan iyo karuuriyo marbaad, qabow shubaysaaye
  • Qabbiriyo marbaad rarayga dhacay, qoofal sudhaysaaye
  • Qalabdhabad marbay kugu ag mari, awro qooqaniye
  • Marbaad qaalmiyo soo celcelin, qaankey didiyeene
  • Qamuunyada marbaad daynaysaa, qoontay dibintiiye
  • Qalbiga iyo dhoolaha marbaad, ka qosli doontaaye
  • Qiiriyo marbay farax ilmadu, kaaga soo qubane
  • Quwadahaad hardamaysaan marbaa, danni qasbaysaaye
  • Qaran culus marbuu noqon tolkaa, qoraya taariikhe
  • Qoonkii ku iibshiyo marbuu, qaban dillaaliine
  • Qorshaa lagu magaalayn dhakhsaba, howd qorfo ahaaye
  • Qarri-juqood tareen qiiqayoo, qalalaxlaa mariye
  • Qalaafo iyo Iimeey warshado, yaa ka qow dhabiye
  • Qarash culus ayaa laammiyada, loo qarrirayaaye
  • Qandaraasyo waaweyn ayey, qaadan gaaladuye
  • Buuraha qandoodey ku jabin, qac iyo baaruude
  • Qawyada mashiin cuna ayaa, lugu qodaayaaye
  • Qodban doostar leexshiyo jidbaa, qululsanaan meelle
  • Quustay libaaxyadu u didi, qararka Suudaane
  • Baabuur ayaa Nogob qulquli, qaarba cayn yahaye
  • Jet qaraaxadliyo power ayaa, qadhadhacleyn Faafe
  • Qunyar bay kusoo dagi bannaano, uga qaybnaaye
  • Qarqarada Bullaaley ka bixi, qariyo liimoone
  • Waxaa qamandi laga beerayaa, jeexa Qulunquule
  • Qaarado fog baa lagaga gadi, qiimo saa’id e
  • Qarbi iyo Baraa soo shixnadi, qalabkay saanteene
  • Qadar iyo Kuweyt waxaa ka iman, duul qamiisyo leh
  • Waxa warriye qalas laynayaad, yaab la quduroone
  • Adoo qooxan oo sabar yar, oo waxaan la quudhayn ah
  • Qiyaas socod talaabada adoo, qabac ka siinaaya
  • Qalqaaladiyo howlaha dhismaha, yaad ka qeyb galiye
  • Dowlado qalaad baad af-baran, waadna qalo goyne
  • Adigoo dalxiis u qasdayaad, Qaahira u kiciye
  • Quraacbaad ka cunaysaa Baraag, qadana Baariise (Prague iyo Paris)
  • Qumaneey quruumaa ku dumay, qaanta kaa maqane
  • Qubuuraha waxow galay dartaa, qoomam fara weyne
  • Ragbaa kuu qisaasane yaree, qurubka laabtaada

 

Waxa tiriyay:- AUN Axmed Macallin Jaamac

Dhammaad!

C/qani Yuusuf Aadan (Kaysediin)

ما الذي تغير في قريتنا في20 سنة

عشت في بلدي ولم اخرج الى أي بلد آخر. في نعومة اظفاري كنت اتردد بين المدرسة (دغس قرآن) وبين بيتنا واحيانا كنت اخرج مع الاقران للسباحة في الآبار والمستنقعات وفي الاوديىة خاصة وقت الربيع الذي يكثر فيه هضول الأمطار. بعد نهاية السباحة كنا نتصارع احيانا او نتاسبق أو نلعب كرة القدم مصنوعة من الجوارب من طراز قديم ولم تكن الساحرة المستدارة بشكلها الحالي متوفرة اللهم الا نادرا وممارستها كانت رجسا من عمل الشيطان تستلزم العقوبة من المعلم في المدرسة واستنكارا شديدا من الاوساط الاجتماعية المختلفة.

كانت المتعة لا تقدر بثمن وكنت مدافعا شرسا لا يحترف الكرة بل كنت آثر القوة على الاحتراف والحيلة مما يؤدي الى العنف والجروح. كنا نخاف من المعلم خوف الاسد ولم نكن نناقشه ابدا بل كنا ننفذ ما يقوله حرفيا وبدون ادنى اعتراض وكان المعلم يعجب مني مرتين؛ مرة في كثرة لعبي وانشغالي عن القراءة ومرة قوة حفظي وسهولة اعدادي لمهامي الدراسية. وكان المعلم هذا عادلا لا يفرق في المعاملة في الثواب والعقوبة بين ابناءه وابناء غيره بل كان اقسى على عياله من غيرهم ليسدجروا ويكونوا عبرة على غيرهم وان قربهم منه لا تشفع لهم ان اغترفوا ما يستوجب العقاب.

في القرية كان الجميع في طريقة واحدة لم يكن فيها تنوع مذهبي ولا عقدي. في شهر مولد النبوي كنا جميعا نبقى في المسجد نقرأ القصائد والمدائح في جو روحاني رفيع وفي حضرة المعلم الذي كان هو بنفسه يقرأ القصائدة وكان كبار السن والريفيون وأهالي القرية كلهم يجلسون في صف دائدي وكانوا بارعين في القصائد مما يوحي تجذرهم وقدم هذه القصائد في حياتهم وكان حبهم للنبي صل الله عليه وسلم ظاهرا في وجوههم ونبرات اصواتهم وتكرارهم بصلى الله وسلم عليه. كان البخور (الفوح) يسيطر على الجو وكان الشاي والبن متوافران مجانا من محسنيين راجين من الله ان يتقبل الله صلواتهم وصدقاتهم معا.

في أو قات الجفاف كنا نكثر من الاستغفار والدعوات وأتذكر اننا كنا نحمل الألواح على الرؤوس مشيا على الأقدام وتحت حر الشمس في جو من التذلل والخضوع لرب العالمين عله يرحمنا ويفرج مما نحن فيه من القحط والجوع وتنتهي هذه المسيرة تحت شجرة يقام فيه وليمة كبيرة يطعم فيه المسكين ويتسامح الناس ويدعوا فيه العلماء بعد ختمات من القرآن الكريم فكان مما اتذكر ان المطر يأتي بعد يوم يومين ان لم يمطر مباشرة في ذالك اليوم.

الولائم والصدقات لم تكن مقتصرة في اوقات الاستسقاء بل كان موجودا في أيام اخرى يقرأ القرآن على ارواح الأموات بأن يتغمد الله برحمته بالقرآن وباطعام المساكين والأدعية الجماعيةوعند ما يحتضر لأحد من القرية كان يقرأ عليه سورة (يس) ويقام التعازي في يومي الثالث والسابع ويدعى فيهما الميت. أما في أو قات الأفراح الاجتماعية كالزفاف كان الرجال يخرجون الى ناحية معينة من المدينة مع العريس وكانوا يهنئونه ويظهرون مكانة الزواح ويمشونه معه الى بيته الجديد وسط أصوات عالية من الصلوات على الرسول عليه الصلاة والسلام بينما النساء يضربن الدف ويلعبن بطريقتهن الخاصة ويزين البيت والعروس معا وتنتهي الأفراع بيوم السابع بينما تتواصل الزيارات للبيت الجديد طيلة هذه الفترة.

قبيل مغادرتي للقرية كان هناك رجل في عقده الرابع حسن الطلعة ملتحي قصير الثوب جائنا من المديتة كان يتكلم باللغة العربية تحدث بينه وبين معلمي مناقشات حادة حول حكم الموليد وقرآءة القرآن للأموات والولائم على الشكل الذي ذكرناه وتعليق التمائم الكتوب بالقرآن والأدعية الجماعية بعد الصلوات الخمسة في المساجد وغيرها من المواضيع الساخنة وكنت استمع اليهم من عن بعد مخافة أن يفظن الي المعلم ومستغربا جرأة الرجل على معلمي وأذكر أيضا أن النقاش كان يحدث في أوقات مختلفة وفي أماكن مختلفة فكان هذا الرجل يتهم بأنه وهابي وأنه مخالف للدين.

اليوم وبعد مرور عقدين من الزمن من ذالك الوقت تغير كل شي في تلك القرية واصبح (الوداد) نفسه الذي كان يقرأ للناس تلك القصائد ينهى عنهم وبأشد العبارات واندثرت الولائم والقصائد والاستسقاء المصحوب بالالواح ولعبت الكرة على الطرقات وتغير كل شيء الى العكس تماما وكنت أستغرب ذالك التحول المفاجئ هل هو استكشاف لفهم ديني جديد يصحح المفهوم الديني ويعيد الأمور الى نصابه الصحيح بعد طول غياب أم هو هجوم شرس من قبل عقائد ومذاهب اخرى ممولة من جهات معية فرضت نفسها على الناس بالقوة والسلاح.

أنا نفسي كبرت وقرأت وتغيرت ولكن ليس على هذا الشكل الكلي اذ أعتقد أن بعض الأمور مما ذكرنا خلافية تقبل الاجتهاد وليست قطعي الثبوت والدلالة مما يستوجب الاتباع المطلق وليس للخلاف فيه مجال.
هل حصل شيء مماثل في قريتك أو مدينتك؟!

(عبد القادر ديري (صومالى

Nuura Toogashaa lagu Xakumay!!!.

 

unnamed

Nuura Xuseen oo ah gabar 19 jir ah ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii ay dishay nin rabay in uu kufsado iyadoo is difaacaysay waxayna sugaysaa in dilkaas lagu fuliyo.

Sheekadu waxay kasoo bilaabatay baa la yiri “Markii Nuura Xuseen iyadoo 16 jir ah nin loo guuriyay taasoo rajadeedii wax barasho kasoo horjeedday, aabeheed iyo ninka loo khasbay ayaa wada saxiixday heshiis guur, kadib markii Nuura ay dhammaysatay dugsiga sarre bishii 4-aad 2017 ayaa lagu khasbay in ay ninkaas khasab kula aqal gasho, dabcan iyadu raali kamay ahayn oo waa la jajuubay.

Markii u horaysay ee uu guriga gaystay Ninkaasi waxa uu sameeyay arrin aad u fool-xun oo waxa uu u yeertay laba walaalihiis ah iyo laba dumara oo adeerkii dhalay si ay Nuura ugu legdaan oo ay dhulka ugu xajiyaan inta uu danihiisa ka fushanaayo ama si kale haddaan u dhigo ay u “qumiyaan” sidii xoolihii, gabadhii yarayd ee Nuura ahayd tabar ayaa u run sheegtay ninkiina waa uu xooggay maaddaama iyadu aysan raali ka ahayn waxa socda, heshiiska guurku sheegana aysanba ogayn, ninku dookheedii ahayn, guurna aanayba weli u hawoon, kaaga sii darane loo awood sheegtay, waxase wax waliba uga darnnaa iyadoo uur qaadda ninka sidaas ula dhaqmaaya ee inuu xoogo ku tala galay.

Subixii xigay ayuu haddana habaar qabihii isku dayay Nuuro Xuseen iyadoo keligeed ah oo guri baaskii joogta in uu sidiisii doc u tuuro oo uu xoogo laakiin nasiib wanaag waxay kaga dhuumatay jikadii guriga oo ay mindi ku qarsatay, halkii ayuu ugu galay, intii ay isla xarbinaayeen ayay mindidii caloosha ka gelisay waxana dhaawac darani kasoo gaaray mindhiciradda oo uu markiiba dhiig bax gudaha ah isla halkii ugu qur-baxay.

Nuura cararkii ayay toos u aadday gurigii qoyskooda oo ay ku ogayd Aabbe, Hooyo iyo walaalo, markii ay gurigii tagtay ee ay uga sheekaysay sida ay wax u dhaceenna, aabaheed oo aad uga caroodday dilka ay gaysatay ayaa gabadhii Booliska u gacan -geliyay dhammaan qoyskeediina waa ay dayriyeen oo xaggooda waa ay ka dhimatay.

Markii sharciga la horgeeyayna maxkamadihii waxay sheegeen Nuura Xuseen in ay tahay Dambiile galay Dambiga lagu soo eedeeyay “inkastoo ay iska difaacaysay in kufsi lagula kacay aadna ay u yarayd haddana waxa lagu xukumay DIL TOOGASHO AH.

Fadlan u dir farriin qoraaleed deg deg ah (Urgent E-mail) Madaxweynaha Dalka Suudaan iyo Wasaaradda Caddaaladda adigoo ka codsanaaya in Nuura Xuseen laga badbaadiyo Toogashadaas haddii kale waa lagu fulinayaa

Sidaas waxa qortay hay’adda xaquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International

Dhag sii Lifaaqa oo English ah:- Please tell the Sudan authorities to quash the death penalty against Noura Hussein.

 Mahadsanidin
Tarjumay: C/qani Yuusuf Aadan (Kaysediiin)

Warmurtiyeedkii Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

War-murtiyeed wadajir ah ayaa la soo saaray kadib wadahadalado dhexmaray labada dhinac Mudane. Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dalka Kenya iyo Sidoo kale Mudane. (Dr.) Abiy Axmed Cali, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia kadib booqasho taariikhi ah oo u ku tagay  dalka Kenya 7-tii May 2018 gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya

War-murtiyeed Wada jir ah (JOINT COMMUNIQUÉ)

Jamhuuriyadda Kenya iyo  Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federalka Itoobiya

  1. Martiqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Raisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Itoobiya, H.E. Dr. Abiy Axmed Cali, wuxuu booqasho ku tagay Jamhuuriyadda Kenya laga bilaabo 6-dii ilaa 7-tii Maajo, 2018. Mu ane, Dr. Abiy Axmed Cali wuxuu hogaaminayey wafdi ballaarn oo ka koobannaa Wasiirro iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
  2. Labada hoggaamiye waxay aad uga wada hadleen arrimaha ku saabsan ama khuseeya labada Dal, Tan gobolka iyo caalamkaba. Sidoo kale waxay isla meel dhigeen ahmiyadda ay leedahay dib u xoojinta  aasaaskii taariikheed ee labada dal lana sii wado ama joogteeyo dhisitaanka xiriirka labada dhinac waxayna isku raaceen in aragtidii aabeyaashii hore ee labada dal ay tilmaan u tahay wadaagista Qiyamka, Dhaqanka iyo Sooyaalka labadaas dal.
  3. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale xoojiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga kaas oo dhiirrigeliyay barwaaqada dadka labada dal. Waxay ballan-qaadeen horumarinta Qorshaha LAPSSET ee loosoo gaabshay (Lamu Port-Southern Sudan-Ethiopia Transport) oo ah Waddo ganacsi oo isku xiri doontaa Dekedda Lamu, Koonfurta Suudaan illaa Itoobiya; oo ay ku jiraan isku-xirka waddooyinka Siyoolow, Mooyaale ilaa Addis Ababa iyo waddada tareenka ee Addis Ababa ilaa Nairobi. Sidoo kale Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in ay dhammaystiraan xiriirka isgaarsiineed ee Itoobiya iyo Kenya.
  4. Labada hoggaamiye waxay isku raaceen in si wadajir ah loola socdo kormeerka Waddada Highway-ga ah ee Lamu, Gaarisa, Siyoolow, Mooyaale, Hawaas Illaa Addis Ababa Koox ka socota Dowladda Kenya ayaana fududayn doonta bixiinta rasmiga ah ee dhulka dowladda Itoobiya laga siiyay Dekadda laga dhisayo Lamu, dhanka kale itoobiya waxay ku celisay in ay ka go’an tahay in ay dhisaan dhulkaas si loo fududeeyo sahaminta iyo hirgelinta Mashruuca (LAPSSET).
  5. Labada hoggaamiye ayaa si weyn u dhiirrigeliyay ganacsiga gaarka loo leeyahay ee u dhexeeya ganacsatada labada dal xubnaha qaybaha gaarka ah ee gaarka ah si ay u aqoonsadaan aagagga laga yaabo in ay ku hawlan yihiin oo ay ballan-qaadeen in ay hagaajiyaan saaxadda ganacsiga isla markaana dhiirragelin doonaan xiriirka ganacsi ee labada dal si ganacsigu u horumaro.
  6. Si loo sii xoojiyo isdhexgalka, labada hoggaamiye ayaa isku raacay waxyaabahan soo socda:-
  7. In la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Shirkadaha Duulimaadka ee Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines.
  8. Dhinaca Kenya waxay ogolaatay in Ethiopian Airlines ay samayn karto duulimaad labaad oo Mombasa ah.
  9. Labada dhinacba waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la isu furo suuqa Shirkadaha Duulimaadyada ee Ethiopian Airlines iyo Kenyan Airways.
  10. Kobcinta iskaashiga dhinacyada dalxiiska iyo isboortiga;
  11. Xoojinta wada-xaajoodka xudduudaha labada dal ee la xiriira hawlaha amniga iyo dhaqan-dhaqaale
  12. Labada dhinac waxay isku raaceen in ay si wadajir ah u maal gashadaan mashruuca kastamka Mooyaale “Moyale Joint City and Economic Zone”
  13. Labada dhinac waxa kale oo ay isku raaceen in maalgalin dheeraad ah lagu sameeyo Magaalada ganaacsig wadaagga ah ee Mooyaale “Moyale Joint City and Economic Zone”
  14. In sare loo qaado iskaashiga tabbabarada ciidamada milatariga ee labada dal.
  15. Iyo sidoo kale Kobcinta iskaashiga dhinaca beeraha.
  16. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in afarta bilood ee soo socota la qorsheeyo in hal tigidh looga gudbo xaduudda loogu talagalay Xaashida Joogta ah ee Hal Tigidhka oo ay ka midaysan yihiin labada dal looga gudbo xadduudaha labadaasi dal.
  17. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay in la is-dhaafsado maxaabiista ku kala xiran xabsiyada labada dal. Isku dubba ridka arrintaasna waxay u xilsaareen guddi ka shaqayn doona arrinkaas si loo hirgeliyo qorshahaas muddo Toddoba beri ah (7 days).
  18. Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka, waxayna ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan dadaalkooda wadajirka ah si ay nabad iyo xasilooni ugu horseedaan guud ahaan gobolka, gaar ahaan Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya.
  19. Labada hoggaamiye ayaa isla qiray in ay jiraan caqabado ku hor gudban in nabadgelyo waarta laga helo dhulka xadduuda ku teedsan haba ugusii daraadeen dadka taagta daran ama nugul oo ay iyaga dhibtu ku dhacdo, hoggaamiyeyaashu waxay isu raaceen in diiradda la saaro sare u qaadidda kobcinta ganacsi laga wada qayb qaato ama loo dhan yahay oo laga hirgeliyo gobolada xadduudda ku yaal, sida heshiis gaar ah oo lagu taageerayo ganacsiga ka dhexeeya shucuubta xadduudda uu qeexayo in la kiciyo tayada  nololeed ee shucuubtaas.
  20. Labada hogaamiye ayaa walaac xooggan ka muujiyay horusocodka gaabiska ah ee ku aaddan dadaalada dib loogu soo celinayo nabadaynta Koonfurta Suudaan, iyagoo ballan qaaday inay si weyn u garab istaagayaan dadaalada Dhexdhexaadineed ee ay waddo IGAD, iyagoona ugu baaqay madaxda Koonfurta Suudaan inay danahooda khaaska ah ka hormariyaan danta shacabkooda, si fursad loo siiyo nabadda.
  21. Labada hoggaamiye ayaa hoosta ka xarriiqay khatarta sii kordhaysa ee Ururka Alshabaab Guud ahaan gobolka gaar ahaanna Soomaaliya, Sidaa awgeed waxay isla qireen inay jirto debecsanaan dhanka taageerada caalamiga ah ee aan la saadaalin karin ama aan ku filnayn dalka Soomaaliya gaar ahaanna dhaqaalaha ku baxa ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika ee (AMISOM), taasoo keeni karta bay yiraahdeen khatar ama dib u dhac ku yimaadda guulaha illaa iyo hadda la gaaray, labada hoggaamiye ayaa ku adkaystay inay sii wadayaan ololaha ay ugu jiraan in la kordhiyo ciidamada AMISOM isla markaana loo helo dhaqaale lagu taageero iyo sidoo kale tababbaridda ciidamada amniga ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxay walaac xooggan ka qabaan saamaynta dano shisheeye oo loola jeedo in xasilooni daro looga abuuro Soomaaliya.
  22. Labada hoggaamiye ayaa ku celiyay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga khayraadka ku-meel-gaadhka ah ee la wadaago, iyada oo ku saleysan mabda’a ah isticmaalka caddaaladda iyo macquul ah.
  23. Labada hoggaamiye ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay u hoggaansamaan sharciyo nidaamsan oo caalami ah isla markaana leh miisaaniyad ballaaran oo dheellitiran iyo dib-uhabeyn degdeg ah oo lagu sameeyo Nidaamka Qaramada Midoobay ee asaasiga ah. Hoggaamiyeyaashu waxay ballan-qaadeen inay ku guuleysan doonaan boosaska guud ee Midowga Afrika gaar ahaan 14. Labada hoggaamiye ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay u hoggaansamaan sharciyo nidaamsan oo caalami ah oo leh miisaaniyad ballaadhan oo dheellitiran iyo dib-u-habeyn degdeg ah oo lagu sameeyo Nidaamka Qaramada Midoobay ee asaasiga ah. Hoggaamiyeyaashu waxay ballan-qaadeen in ay ku guulaysan doonaan boosaska guud ee Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Amniga. Sidaa daraadeed, Itoobiya waxay ballan-qaadday in ay taageerto Kenya ee ku aaddan fadhiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2021-2022
  24. Hoggaamiyayaashu waxay xuseen in heshiisyada kala duwan iyo xusuusta fahamka ay saxiixeen labada dal ay aasaas muhiim ah u yeesheen xiriirka laba geesoodka ah ee Kenya iyo Itoobiya. Waxay ku heshiiyeen in fulinta qaar ka mid ah qalabka loo baahan yahay isuduwid wanaagsan. Hogaamiyayaashu haddaba waxay soo bandhigeen habraaca hirgelinta iyo Habka Dib-u-eegida Waqtiga Dib-u-eegista Guddiga Qaranka ee Qaranka si loo fududeeyo kormeerka adag iyo qiimeynta meelaha la isku raacay.
  25. Dhammaadka iyo gabagabeynta booqashada, Mudane Dr. Abiy Axmed Cali ayaa ka mahad celiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dadka reer Kenya uga mahad celiyay soo dhoweynta diiran iyo martigelinta deeqsinimadu ku dheehnayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii ay joogeen booqashada ku joogeen Dalka Kenya, Waxa uu sidoo kale ku casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, inuu booqashoku yimaado Dalka Itoobiya Madaxweyne Uhuru Kenyattana waa uu aqbalay casumaaddaas, wakhtiga  booqashada waxaa loo maarayn doonaa hab dibloomaasiyadeed.
  26. Madaxwaynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa fursad u helay inuu shacabka Itoobiya u rajeeyo Inay gaareen guushoodii ugu weynayd ee dhisidda qarankooda isagoo isii marinaya dhigisiisa ama walaalkiis sida qoraalka lagu yiri Dr. Aby Axmed.

Waxaa Tarjumay (Kaysediin Yusuf Aadan)

Sheeko “Shaarubba Libaax”

…Cir gadduud walba kolkay neefka addinka soo qabato ee ay xoolaha maali rabto ayay aragtaa isagoo sii kacsan deedna intay mashiiqsato ayay hoos isula guryantaa “Yaab anagaa aragnay’ Walaalayaaloow xaggeebuu guurada u yahay oo ciddaha u daba maray, awr nagama dibbooddin, reerkuna badar iyo biyaba waa haystaa sahanna ha sheeginoo naq baynu joognaaye’ warsan gedaleey weylo kaa ciye ayay dabeed hadalka kusoo xirtaa”.

Waxay sidaa arrini ahaato oo uu habeen walba cidaha u daba maraba habeenkii dambe ileen waa masayr iyo xaalkiiye ayay ka daba biyaysatay oo halkuu saanta dhigaba kadaba dhigtay iyada oo iska qarinaysa ‘Show waanayba ogayne odayga reer kalaa u oodnaa, mar quray indhaha ku dhufatay aqal weyn oo laba deryaale ah iyo laba xero oo iska doc oodan isagoo usha la dhigay dabeedna ardaaga is gawdiidshay, halkii reerka muskiisa ahayd ayay salka dhigtay si ay wax badan uga khaawisto, islaantii yaraydee galabta reeraha looga soo carraabay sowtan sidii Waraabe neef laga riday reeraha muskooda il mirig laynaysa.

Afadii kalee minyarada ahayd oo xiisuhu iyada ku dambeeyay ayaa intay aqalka gasho kolba huga iyo hunguriga uga soo daldalaysa ‘alla odayga maxaa diif ka muuqata war maxaa dhafooradan kuu yeelay miyaadan meel muslim joogo ka iman, kolkay sidaa leedahay ‘qumba subag ah iyo qorog caana ah ayay iska daba qotominaysaa raarkana waa ay fidinaysaa” Alloow adaa xaal og.

Min weyntii muska ku jirtay gabbal baa u dumay’ waxay yeeshana garan mayso halka xaal marayana aragtay waxayse isku Samir siisay “allaylehe talo anay ila jirtaa’ naa maxaa tiri? reer kale, naag kale iyo xoolo oo tolow carruurana miyay jiraan’ oo maxayga galay carruurihiisa bala ha dhashee ma awalbaan qosol ku haystay, isba soow cidladaa namuu dhigin…haah’ shib iska dheh’ iyadaa isu jawaabaysa……intaa ay duryamayso, ganbada ayay dhuuqsanaysaa, hogoogtana waa ay xagsanaysaa, geed gaabka iyo kurtunka ay jaftaa ku hayso iyo dhirta ay dhex jibaaxaysaa ugama duwana iyadoo bannaan laafyoonaysa.

Subaxii dambe kolkii nin iyo geed la kala gartay ayay iyadoon afkaa uga yeerin jarmaado ku malmashay, oo xaggeebay aadday? Oo miyaadan ogayn? Inayba xalay ku seexatay inay saaka hesho ninkii sixiroolaha ahaa ee ay Islaantu u sheegaysay, naag ninkii laga qaaday ma fadhi baa u yaal, allaylehe daa hasoo ceshetee.

Waxay sii hogaagnaataba ninkii sixiroorlaha ahaa ayay isla soo taagtay Dabadeed arrinkii ay ugu socotay ayay u sheegatay, isna kamuu waalini kor iyo hoos inta u eegay farahana kala hadlay ayuu u sheegay inay iska fariisato inta Khalwadu socoto.

Ninkii isagoo indhaha isku haysta wuxuu dabqaad qaacaaya wareejiyo oo kolba gacmaha sare u qaadaba… mar dambuu indhaha fag inta siiyay waxa uu yiri:-“Dhegayso, ninkaaga si aad u hesho hawl adag ayay kaaga baahan tahay” say teen oo maxay tahay sheekhoow? “Libaax Shaarubaddii haddaad ii keento Niinkaaga waan kula furdaamin karayaa” Alla!!!! bisinka Libaax aaaa’ iyo shaarubaddii awoowoow kii samaayoo!!! sheekhoow libaaaxa iga daa ma inuu I cunaad doonaysaa”.

Ninkii waayahee ninka naagtu ha haysatee inaga daa, !maya sheekhoow bala haysatayga naagtu haysan maysee..waan yeeli waxaad igu amarto. Ninkii waa yahee sidaa yeel, adigayna kugu xiran tahay xilliga aad shaarubadda ii keento, sixir furyadana halkaa iska dhig annagu ma qaadanee.

Intaasi markay dhagaheeda ku dhaceen iyadoo cagajiida ayay gurigii sixiroolaha kasoo baxday Islaantii talaa ku idlaatay waxay samaysana garan wayday Libaaxna cidi uma dhawaan karto waabase shaarubadii oo la taabto e’.

Habeenkii dambe ayay iyadoon is ogayn inta awrtii soo qabsatay reerkii caynka hoosta ka gelisay oo geeddi ku malmashay, kuwii yaryaraana inta hurddadii ka jaftay ayay aryihii oodda uga qaaadday, waxa habeenkaasoo dhan reerkii sii gabagabaysnaadaba mar dambay Habqankii Kayn Libaaxyo badan Bartankeed ku furtay, habeenkaas iyo habeenadii ka dambeeyayba libaaxyadu cidda iyo saanta kamay deyn, islaantuna sidii ay libaaxa ugu dhowaan lahayd baabay ka fekeraysaa, eegeey waa reer libaaxyo go’doon ugu jira cid iyo ciirsina aan u dhoweyn odaygiina isagoon ogayn lagasoo raray, khatartu aad ayay u badan tahay Xili walba ayuu soo weerari karaa xoolaha, Carruurta iyo Islaantaba.

Habeenkii dambe iyadoo roob da’aayo ayay neef shilis xerada inta kasoo saartay libaaxii geed halkoo ah ugu xirtay, libaaxiina sidii uu arkaayay judhiiba inta soo booday oo Jeenigiisii weynaa neefkii ku dhirbaaxay ayuu mar qura ciddiyaha kusoo jiitay oo hoosta gashaday ayuu halkii ku jaqaqafsaday.

Habeenkii xigay meeshii meel ka sokaysa ayay neef kale ugu xirtay sidii si le’eg ayuu yeelay, ‘Illeen masayrku waa belee’ Habeenkii kalena edeg aan xoolo ku jirin intay dhex gashay ayay neef kale isla edegtii ugu xirtay mindi yaroo xalaafa oo af badanna waa ay sii diyaarsatay, halkii iyadoo ku jirta ayuu sidiisii soo booday oo neefkii kusoo degay, waa isla halkii ay ku jirtay oo afkaba haddii uu kala qaado iyadana waa uu ku ridi karay indho bannaanka yaal oo aan libiqsanayn iyo Luqun aad moodo in kol hore naftu daysay ayay lasoo qotontaa, shanqar ba daaye neefsashadii baabay daysay, baqdinta haysa darteed bay hadba doc indhaha u wareejisaa kolkuu neefkii miciyaha suray ayay iyana bilawday inay shaqadeedii qabsato oo xalaafta yar ee ay haysato shaarubadda kaga goyso, gacan yaroo madoow oo aan geedaha laga garan ogayn iyo xalaaftii ayay meesha kasoo taagtay isna Allihiiba alle’ cid baa shaarubaddaada duullaan ku ahba meesha soomuu dhigin ee cashadiisa ayuu iska watay.

Mar qurayse sidii xanguruftii inta kusoo boodday Luuf kamida shaarubadiisii inta la eegatay xuf ka siisatay isna argagixii inta samada maray oo qoob iyo qaylo isku daray ayuu xanfafkii la cararay dabadeedna halkii isaga hadaafay, intaasi markii ay dhacday ayay islaantii naftuba dayn gaartay oo waabay miri beeshay.

In doora haddii ay halkii gorofsanayd mar dambay soo naaxday mise waa ay bed qabtaa oo waxba may gaarin gacmeheedii haddii ay dhugatayna shaarubaddii iyo xalaaftii yarayd ayay ku sidataa, deedna halkii intay ka xaaxaabsatay ayay iyadoo dalanbaabiyaysa gurigeedii dalaq tiri.

Wakhtigu waxuu is guraba, waagii dambe ayay shaarubaddii inta qaadday ninkii sixiroolaha ahaa la aadday, ninkii sixiroolaha ahaa ayaa waydiiyay “Haye Shaarubbadii ma siddaa”? ….. illeen kalsooni badan bay qabtaye iyadoon afkaa uga yeerin ayay maro yar oo wax ku guntan yihiin xaggiisa usoo tuurtay ileen ‘waa islaantaas libaaxa shaarubadiisa sidatee’ iyadoo is jajebinaysa oo kelyaha haysata bay teen “Orod ka fiirso shaarubaddii waa kuwaase”.

Ninkii maradii yarayd haddii uu guntintii ka furayba shaarubaddii libaaxa oo miiq-miiqan baa ugasoo baxay, isagoon jawaab u celin ayuu sidiisii kor iyo hoos inta u eegay oo misna shaarubaddii dhugtay ayuu is wayddiiyay “Tolow naagtu ma waalatay sideebay libaax nafteeda ugu aamin tay? Seebayse shaarubadan oo afkiisa ku yaallay ugasoo goysay?”….. “War ileen waxan masayrka la yiraahdaa waa waalli”.

Intaas markii uu iskula sheekaystay ayuu iyadoo weli halkii taagan oo isaga jawaab ka sugaysa waxa uu ku yiri “I dhegayso, xeeladdii aad Libaaxa Shaarubaddiisa kaga soo goosatay orod Ninkaagii Naagta Kagasoo Cesho, annagu wax ma furdaaminnee.

Dhammaad!!

Mahadsanid akhrintaada

Waxaa Curiyay: – C/qani Yuusuf Aadan (Kaysediin)